Skip to main content

Washington State Department of Transportation online open houses

WSDOT online open houses

English  |  简体中文  |  Russian  |  Español  |  Tagalog  |  Af Soomaali  |  Tiếng Việt

Xeerarka cusub oo ku saabsan lacag bixinta wadada SR 167 ayaa dhaqan gali doona horaanta dayrtan.

Haadadka lacagta lagu maro ee degdega ah ee SR 167 waxay yeelan doonaan xeerar waafaqsan haadadka acagta lagu maro ee degdega ah ee I-405.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

Qof kasta oo isticmaalaya haadadka lacagta lagu maro ee degdega ah isagoon haysan koontada Good To Go! ayaa biil loogu soo diri doonaa boostada wuxuuna bixin doonaa sicirka/qiimaha sare ee Pay By Mail. Darawalada haysto kaarka Good To Go! ayaa sii wadi doona inay kaydsadaan $2 lacag bixin kasta.

Kaarka Flex ee Good To Go! ayaa looga baahan yahay baabuur-wadaagayaasha si ay haadadka ugu isticmaalaan lacag la'aan, mootalayduna waxay u baahan doonaan kaarka mootada si ay bilaash ugu maraaan wadada.

Darayiwada leh tigidhka Good To Go! waxay sii wadi doonaan inay $2 ka badbaadiyaan cashuur kasta oo jidka ah.

Isticmaal koodka RIDE167FLEX si aad u hesho Kaarka Flex oo bilaash ah oo isticmaal RIDE167MOTO si aad u hesho mooto-raacid bilaash ah inta sahaydu aysan dhamaan.

Hel Good To Go!

Ogow waxa iska bedelaya SR 167.

Daawo muuqaalkan si aad u hesho jawaabaha su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan isbedelada.

Ma qabtaa su'aalo kale? Waxaan haynaa jawaabo.

  • Qof kasta oo leh ama aan lahayn koontada Good To Go! ayaa isticmaali kara haadadka lacagta lagu maro ee degdega ah. Darawalada aan lahayn kaarka Good To Go! waxaa boostada loogu soo diri doonaa biil waxayna bixin doonaan $2 oo dheeraad ah halkii lacag-bixinba marka loo eego qof haysta kaar.
  • Haadadka caadiga ah ee aan lacagta lagu marin ayaa furnaan doona haddi aadan rabin inaad bixiso lacag ama aad hesho kaar Good To Go! ah.

Darawalada wada 2 qof ama in ka badan waxay sii wadan karaan inay baabuur-wadaagayaasha bilaash ku mariyaan wadada haddi ay haystaan kaarka Good To Go! Flex Pass oo ka dhig qaabka HOV. Haddii kale, lacag ayaa lagu soo dallacayaa.

Good To Go! pass in HOV mode
Good To Go! pass in TOLL mode

Haa, laakiin haysashada kaarka Good To Go! ee mootada ayaa loo baahan yahay s i wadada loogu isticmaalo bilaash. Haddii kale, lacag ayaa lagugu soo dallacayaa.

  • Darawallada haysto kaar Good To Go! AH, lacagta wadada waxay u dhexeeyn doontaa $1 ilaa $15 taasi oo ku xidhan xaaladaha taraafikada. Qiimaha ayaa la qiimeeyaa 5 daqiqo kasta si loo caawiyo maareynta qulqulka baabuurta.
  • Darawalada aan haysan kaarka Good To Go! waxay bixin doonaan $2 oo dheeraad ah halkii lacag-bixinba waxayna biil ku heli doonaan boostada iyadoo la adeegsanayo Pay By Mail.

Haa. Haadadka waa bilaash laga bilaabo 8-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo maalin kasta.

Haadii aad tahay baabuur hal qof uu ku jira, waxa aad kaydsan doontaa $2 lacag-bixin kasta haddii aad iska diiwaangeliso koonto Good To Go! ah, aad hesho kaar, oo aad ku rakibto baabuurkaaga. Baabuur-wadaagayaasha iyo mootalayda ayaa si bilaash ah u isticmaalo wadada markay haystaan kaarka saxda ah.

  • Waxaad onlayn iskaga diiwaangelin kartaa lacag-bixinta tooska/otomaatiga ah oo waxaad dooran kartaa Pay As You Go, taasi oo macnaheedu yahay inaad bixin doonto lacag kaliya ka dib markaad isticmaasho haadadka lacagta lagu maro, mise waxaad dooran kartaa inaad Horey u Bixiso (Pre-Pay) qadar go'an kahor isticmaalka wadada.
  • Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan Good To Go! ama u baahan in lagaa caawiyo biilka ama koontadaada la xidhiidh kooxdayada adeega macaamiisha.

Calaamadda qiimaha wadaha waxay qiimaha ku soo bandhigeysaa goobta aad ka baxayso agteeda. Waxaa lacagta lagugu soo dalaci doonaa iyadoo lagu saleynayo meesha aad ka gasho iyo meesha aad kaga baxdo haadadka, taasoo micnaheedu yahay inaad kaliya bixinayso lacagta masaafada aad ku socotay wadada. Waxaad bixinaysaa hal lacag keliya, oo lama ururinayo lacagaha aag kasta oo aad marto.

SR 167 ETL sign NB

Dhanka waqooyi

SR 167 ETL sign SB

Koonfur

Xariiqyada go’go’a ah ee ku yaalo wadada waxay ka dhigan yihiin inaad geli karto ama aad ka bixi karto haadadka. Waa sharci darro inaad ka gudubto xariiq cad oo laba jibaaran.

Sideen ku garanayaa kaarka Good To Go! ee ugu haboon aniga?

1. Kaarka dhejiska ah ee darawallada keligood ah

2. Kaarka taarikada shatiga ee loogu talagalay darawalada keligood ah ee qaba muraayadaha hore ee qaaska ah

3. Kaarka Flex ee loogu talagalay baabuur-wadaagayaasha

4. Kaarka mootada ee wadayaasha mootalayda

Qaado sahankayaga 30-ilbiriqsi ah si aad u hesho tigidhka ku habboon adiga.

Qaado Kediska

Khariidadaha Mashruuca

Raadraaca haadadka lacagta lagu maro ee degdega ah ee SR 167
Haadka cusub ee dheeriga ah ee u dhaxeeya SR 516 iyo S. 277th St.
Raadraaca haadadka lacagta lagu maro ee degdega ah ee SR 167
Haadka cusub ee dheeriga ah ee u dhaxeeya SR 516 iyo S. 277th St.
previous arrow
next arrow
 
Raadraaca haadadka lacagta lagu maro ee degdega ah ee SR 167
Haadka cusub ee dheeriga ah ee u dhaxeeya SR 516 iyo S. 277th St.
previous arrow
next arrow
Booqo bogga dhammaystiran ee mashruuca SR 167

Hagitaanada Waxtarka leh