English | Español | 简体中文 | 한국어 | Russian | Af Soomaali | Tagalog | Tiếng Việt
Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 ee cusub waxay furmaysaa dayrtan.
Waddada weyn waa bilaash ilaa jiilaalka, ka dibna waxay ku kici doontaa $1 marka la adeegsado kaarka/warqadda dhejiska ah ee Good To Go!.
Isticmaal koodka xayaysiinta FREESTICKER167 si aad u hesho kaarka/warqadda dhejiska ah bilaash waqti xaddidan.
Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 ee cusub way ka duwan tahay Haadadka Waddada Lacagta lagu maro ee SR 167.
Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 ee cusub waxay isku xidhaa I-5 oo u dhow Fife iyo SR 509 oo u dhow Dekedda Tacoma, halka Haadadka Waddada Lacagta lagu maro ee SR 167 ay daboolaan masaafada SR 167 ee u dhaxaysa Sumner iyo Renton.
Sanadka 2029, afar mayl oo dheeri ah ayaa la qorsheeyay in la furo, taasoo Waddada Weyn ee Degdega ah u fidinayso dhanka Haadadka Waddada Lacagta lagu maro ee SR 167 ee hadda ka jira gudaha Sumner.
Wax dheeri ah oo ku saabsan sharciyada kala duwan iyo qiimaha lacagta ka ogow xagga hoose ee bogga.
Qiimaha Haadadka Lacagta Lagu Maro ee Degdega ah ee Wadada SR 167
Marka ay lacag bixinta bilaabato jiilaalkan, lacagta ay bixinayaan darawalada haysto akoonka iyo kaarka Good to Go! waxay noqon doontaa $1 mar walba. Kuwa aan haysan Good to Go! waxay bixin doonaan $3.
Ma jiri doonaan ka-dhaafitaanada HOV. Dadka wato mootooyinka iyo kuwa wadaaga baabuurka ayaa sidoo kale laga rabi doonaa inay bixiyaan lacagta.
Baabuurta leh wax ka badan laba ‘axle’ ayaa bixin doona lacag dheeri ah, iyadoo 50 senti lagu bixinayo halkii ‘axle’ oo dheeraad ahba.
Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167: Hordhac
Daawo muuqaalkan si aad u ogaato halka ay waddadu ku taalo iyo sida ay u shaqeyso bixinta lacagta lagu maro waddada.
Khariidadaha Mashruuca
Eeg Bogga Dhamaystirka Mashruuca SR 167Hel kaarka Good To Go! si aad u kaydsato $2 mar kasta oo aad lacag ku bixinayso marista waddo ku taal gudaha Washington
- Si aad u bixiso qiimaha ugu hooseeya, waxaad u baahan doontaa inaad furato akoonka Good to Go!, aad hesho kaar, oo ka dibna aad ku dhejiso baabuurkaaga. Isdiiwaangelinta waa bilaash had iyo jeer! Kaarka/warqadda dhejiska ah caadiyan waa $5, laakiin hadda waxaa lagu helayaa bilaash wakhti xaddidan.
- Si aad u hesho kaarkaaga dhejiska ah oo bilaash ah, isticmaal koodka xayaysiinta FREESTICKER167 markaad ka dalbanayso MyGoodToGo.com. Haddii aad hore u haysato kaarka Good to Go! wuxuu ka shaqayn doonaa Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167.
- Markaad haysato akoonka Good To Go!, waxaad dooran kartaa ikhtiyaar lacag-bixineed oo aan marnaba u baahnayn in lacag horay loo bixiyo. Waxaa lagugu soo dalacayaa kaliya lacagta wadooyinka lacagta lagu maro ee aad isticmaasho, kadib marka aad isticmaasho waddada.
- Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan Good To Go! ama u baahan in lagaa caawiyo biilka ama akoonkaaga, kooxdayada adeega macaamiisha waxaa laga heli karaa 1-866-936-8246.

Sidee ayaan ku ogaan karaa kaarka Good To Go! ee igu habboon?
1. Kaarka dhejiska ah ee darawallada keligood ah
2. Kaarka taarikada shatiga ee loogu talagalay darawalada keligood ah ee qaba muraayadaha hore ee qaaska ah
3. Kaarka Flex ee loogu talagalay baabuur-wadaagayaasha
4. Kaarka mootada ee wadayaasha mootalayda
Qaado kediskayaga 30-ka ilbiriqsi ah si aad u ogaato kaarka kugu habboon.
Qaado kediskaSidee ayay u kala baahan yihiin Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 ee cusub iyo Haadadka Waddada Lacagta lagu maro ee SR 167?
Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 iyo Haadadka Waddada Lacagta lagu maro ee SR 167 waa laba wado oo kala duwan oo leh shuruuc kala duwan iyo qiimaha lacagta lagu maro oo kala duwan.
| Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 | Haadadka Lacagta Lagu Maro ee Degdega ah ee Wadada SR 167 | |
|---|---|---|
| Jidka | Waddada Weyn ee Degdega ah ee SR 167 waxay isku xirtaa I-5 oo u dhow Fife iyo SR 509 oo u dhow Dekedda Tacoma. | Haadadka Waddada Lacagta lagu maro ee SR 167 waxay daboolaan masaafada SR 167 ee u dhaxaysa Sumner iyo Renton. |
| Kharashka | $1 halkii waddo maridba marka la adeegsanayo kaarka Good to Go!. Ma jiraan xilliyo bilaash ah. |
Qiimuhu ayaa is beddela maalinta oo dhan iyadoo lagu saleynayo xaaladaha taraafikada wuxuuna qiimaha u dhexeeyaa $1 iyo $15 halkii waddo maridba. Laga bilaabo 8-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo maalin kasta. |
| Ka-dhaafitaanada | Ma jiraan ka-dhaafitaanada baabuur wadaaga, mootooyinka, ama HOV. | Baabuurta wadaaga ah ee ay ku jiraan 2+ qof ayaa bilaash ku mari waddada haddii ay la adeegsadaan Good to Go! Kaarka Flex. Mootooyinku ayaa bilaash ku mari waddada haddii ay adeegsadaan kaarka Good to Go! ee mootooyinka. |
Qof kasta oo isticmaalaya waddo lacag lagu maro ama haadadka lacagta lagu maro isagoon haysan akoonka Good To Go! ayaa biil loogu soo diri doonaa boostada wuxuuna bixin doonaa sicirka/qiimaha sare ee Pay By Mail. Laakin waxaad kaydsan kartaa ilaa $2 waddo marid kasta haddii aad furato akoonka Good to Go!.

